Ciidamada DFS oo ka cabanaya Mushaar La’aan {Dhageyso}

Garbahaarey (KON) - Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa xiligaan ka cabanaya Mushaar la’aan haysata Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Jooga Gobolka Gedo.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada DFS oo ka cabanaya Mushaar La’aan {Dhageyso}

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo Maxamed C/laahi oo la hadlay Radio Kulmiye, ayaa sheegay in Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya ee Jooga Gobolka Gedo ay isku diyaariyeen Duulaanka Badweynta Hindiya islamarkaana ay Ciidamadu xiligaan haysan Hub iyo Saanad kale oo ay Al-shabaab kula dagaalamaan.

"Ciidamada Militariga ee jooga Gobolka Gedo kama qeeb qaadan karaan Howlgalka Badweynta Hindiya, sababtoo ah ma haystaan Lacagtii Mushaarkooda & Qalabkii ay ki dagaalami lahaayeen, marka DFS waa inay bixisaa Xuquuda Ciidanka Qaranka," ayuu yiri Maxa'ed C/llahi.

Afhayeenka ayaa dhanka kale sheegay in Dadka Shacabkaa ee ku nool Gobolka Gedo ay haysato Xaalad adag, waxaana uu Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ugu baaqay in Gargaar la gaarsiiyo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Wareysi uu Afhayeenka siiyay Radio Kulmiye:




    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.