Ciidamada Dowlada KMG & AMISOM oo la wareegay Degmada Balcad

MUQDISHO (Keydmedia) - Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen Degmada Balcad kadib markii Maleeshiyaadka Kooxda Al shabab ay Xalay isaga baxeen.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowlada KMG & AMISOM oo la wareegay Degmada Balcad

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay in hadda ay ku sugan yihiin Gudaha Degmada Balcad ee Gobalka shabeelaha Dhexe.

Maxamed Maxamuud Saneey oo ah taliyaha hogaaminaya Ciidamada dowladda ee aagga Balcad ayaa sheegay in hadda ay gudaha u galeen Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Lama oga inay dagaal kula wareegeen iyo sidoo kale inay si caadi ah ula wareegeen Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Wixii kusoo kordha kala soco www.keydmedia.net