Ciidamada Dowlada oo dharkeynley ku dagaalamay

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Ciidamada dowlada KMG ayaa xalay isku rasaaseeyay degmada dharkeynley ee gobalka Banaadir kadib markii ay isku maandhaafeen lacaga baad ah oo laga aruuriyay shacabka degmada.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowlada oo dharkeynley ku dagaalamay

Hal qof oo rayid ah ayaa geeriyooday dad kalana dhaawac ayaa soo gaaray waxaana la sheegay in xili danbe ay dadka u geeriyoodeen dhaawaca taasoo geerida ka dhigeysa seddex qof sida ay sheegeen dadka deegaanka.


inta badan ciidamada dowlada KMG ah ayaa ku dagaalama degmooyinka gobalka Banaadirr, waxaana isku dhac walba oo dhinacyada dhex mara uu sababaa geeri soo gaarta rayidka Soomaaliyeed.

WWW.KEYDMEDIA.NET