Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo La Wareegay Magaalada Marka

Marka (KON)- War deg deg ah oo goordhow naga soo gaaray magaalada Marka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay goordhow la wareegeen gacan ku heynta magaalada Marka ee xarunta gobbolak Shabeellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo La Wareegay Magaalada Marka

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Xumud ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Marka.

Sidoo kale masuulyiinta Maamulka Shabeellaha Hoose aya Keydmedia u xaqiijiyay inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Marka.

Kooxda Shabaab ayaa magaalada ka arriminayay sadexdii sano ee la soo dhaafay.

Xalada magaalada Marka ayaa hadda deggan.

Wixii ku soo kordha kala soco Keydmedia

Keydmedia Online -Xafiisak, Muqdisho