Ciidamada TFG-da iyo AMISOM oo Shabaab kala wareegay Deegaano u dhow Jowhar

Muqdisho (Keydmedia Online) - Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaano hoosyimaado magaalada Jowhar ee xarunta gobbolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada TFG-da iyo AMISOM oo Shabaab kala wareegay Deegaano u dhow Jowhar

Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Aaga Balcad Col:-Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sheegay in deegaanada ay Ciidamadu la wareegeen ay yihiin kuwo muhiim u ah qabshada magaalada Jowhar, isagoona xusay in Maleeshiyaadkii Shabaab ee deegaanadaasi horay u joogay ay isaga carrareen.

Deegaanada ay Ciidamadu la wareegeen ayaa waxaa ay kala yihiin Danida iyo basraciidamadooda, waxaana ay masaafo yar u jiraan magaalada Jowhar oo ay hadda Shabaab ku sugganyihiin.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho