Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Shabaab oo ku Dagaalamay Afgooye

Muqdisho (KON) - Iska hor imaad saacado kooban socday ayaa Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ku dhexmaray magaalada Afgooye ee gobbolka Shabeellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Shabaab oo ku Dagaalamay Afgooye

Iska hor imaadkaan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhigyo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Dugsiga sare ee Afgooye.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay iska hor imaadkaasi, hasayeeshee wali lama haayo tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Xaalada ayaa hadda deggan Maleeshiyaadkii weerarka soo qaadayna dib ayaa loo baacsaday.

Sikastaba iska hor imaadyada noocaan oo kale ah ma ahan kuwo ku cusub goobaha ay Ciidamada Dowladda kala wareegeen Shabaab waana kuwo inta badan dhaca.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho