Ciidamada Dowladda oo Dad U Soo Qab Qabtay Dilkii Taliyihii Shalay Lagu Dilay Baladweyn

Baladweyn (KON)- Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ee ku suggan magaalada Baladweyn ee xarunta gobbolka Hiiraan ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada waxay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah kuwaasoo ay sheegeen inay ku lug lahaayeen dilkii shalay magaaladaasi uu ugu geystay askari ka tirsan Dowladda Taliyihiin Ciidamada Dowladda ee Hiiraan Mumin Maxamed Maxamuud (Mumin Il-dhigte)
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda oo Dad U  Soo Qab Qabtay Dilkii Taliyihii Shalay Lagu Dilay Baladweyn

Dadka la soo qabtay ayaa waxaa ku jira saraakiil iyo Ciidamo Dowladda ka tirsan kuwaasoo la sheegay inay wax ka ogaayeen dilka Mumin Maxamed Maxamuud (Mumin Il-dhigte) oo shalay la dilay xili uu ku guda jiray qaadista Isbaarooyin yaalay qeybo kamid ah magaalada Baladweyn.

Wararku waxay soo sheegayaan in dadka ragga la soo qabtay loo gacan galiyay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku suggan magaalada Baladweyn.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho