Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/hoose

Muqdisho (KON) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Shalay la wareegay deegaanno horleh oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/hoose

Deegaanadaan oo ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab-Qaacida muddo Sanooyin ah Gacanta ku hayeen ayee Dowladda Soomaaliya Shalay si rasmi ah ula wareegtay.

Deegaannada ay ciidamada dowladdu la wareegeen ayaa kala ah: Mubaarak, Nuun, Furuqleey iyo Ugunj. Furuqley ayaa isku xirta degmooyinka Qoryooley, Wanlaweyn iyo Afgooye.

Deegaanadaani ayaa waxa ay Hoostagaan degmooyinka Qoryooleey Awdhiigle ee Gobolka Sh/hoose.

Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaaba ayaa iskaga baxeen Nuun, Furuqleey iyo Ugunj intaysan Ciidamda Dowlada iyo kuwa AMISOM soo galin magaalada, mana jirin wax iska-horimaadyo ah oo dhacay.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho