Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu yimid kadib markii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee Raas-kambooni ay soo Weerareen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Degmada Dhoobleey.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa Keydmedia Online u sheegay in Dagaalka ay ku dhinten ilaa iyo 3 Ruux, Afar kalena uu Dhaawac kasoo gaaray.
Saddexda Ruux ee Geeriyootay ayaa waxaa lagu sheegay in Labo ka mid ah ay yihiin Dad Shacab oo aan waxba Galabsan, halka mid ka mid ah uu yahay Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.
Max’ed Buule oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in Weerar Gardaro ah ay ku soo Qaadeen Maleeshiyaadka Raas-kambooni Islamarkaana ay is ka Difaaceen.
Wararkii ugu danbeyey ayaa Sheegaya in Saaka halkaasi laga Dareemayo Xiisad Colaaded oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Raas-kambooni.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments