Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Nin Ka Tirsan Shabaab Ku Toogtay Kismaayo

Kismaayo (KON)- War deg deg ah oo goordhow naga soo gaaray magaalada Kismayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay daqiiqado ka hor halkaasi ku toogteen nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxdii Shabaab ee magaalada laga saaray.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Nin Ka Tirsan Shabaab Ku Toogtay Kismaayo

Ciidamada ayaa ninkaan ku toogtay gudaha magaalada, sidaasna waxaa KON u xaqiijyay Ismaaciil Saraxdiid oo ah taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gobbolada Jubbooyinka.

Mr Saxardiid ayaa sidoo kale sheegay in ninka ay toogteen uu ka tirsanaa kooxda loo yaqaano Amniyaadka ee Shabaabka u qaabilsanaa dadka madaxa laga toogto.

Ninka la toogtay ayaa waxaa la socday nin kale oo isana wali ay Ciidamada Baaritaan ku hayaan, lamana oga sida xaalku uu noqon doono.

Waa qofkii ugu horeyay oo Shabaab ka tirsan oo ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya toogteen tan iyo markii maalintii shalay ahayd ay si rasmi ah ugu galeen gudaha magaalada Kismaayo.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo