Ciidamada Ethopianka oo Saraakiil Dowladda KMG ka tirsan ku Xirxiray Baydhaba

Baydhaba (Keydmedia Online) - Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobbolka Bay Ciidamada Ethoipianka ah ee halkaasi ku suggan ayaa xabsiga dhigay saraakiil ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ayadoona xariga saraakiishaasi ay ilaa hadda warar kala duwan ka soo baxayaan.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Ethopianka oo Saraakiil Dowladda KMG ka tirsan ku Xirxiray Baydhaba

Saraakiisha ay Ciidamada Ethoipianka ah ay ku xireen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay kala yihiin taliyihii Booliska gobolada Bay iyo Bakool Aadan Doodishe iyo taliyaha Booliska Degmada Baydhabo Aadan Biid, lamana garanayo sababta ay Ciidamada Ethoipianka ah u xireen saraakiishaan.

Sikastaba, ma ahan wax cusub in Ciidamada Ethoipianka ah ee ku suggan qeybo ka tirsan gobbolada dalka Soomaaliya ay xiraan saraakiil iyo masuulyiin ka tirsan Dowladda KKMG ah ee Soomaaliya.

Keydmedia Online  -Xafiiska, Muqdisho