Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug maanta ilaa Saaka ay 11 Qof ay Gacanta ku dhigeen.
Xabeeb ayaa sheegay in Dadka la soo qab qabtay ay yihiin Koox Isbaaro dhigtay Duleedka Magaalada Gaalkayo ee Ceel aqwaan iyo kuwo Amaan daro lagu soo qabtay.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in sidoo kale Gobolka Hobyo ee Maamulka Galmudug howlagal ay Ciidamada Maamulka ay ka fuliyeen Dadna ay ku soo qabteen.
Dadka lagu soo qab qabtay Howlgalka ayaa intooda badan waxaa lagu xiray xabsiga Dhexe ee Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug.
Ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay wadeen Maalmihii la soo dhaafay Howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Deegaanada Galmudug.
Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo
Add comment
Comments