Ciidamada Itoobiya oo Qarax Lagula Eegtay Baladweyn

Baladweyn (KON)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyn ee xarunta gobbolka Hiiraan ayaa sheegay in saaka qarax Miino Ciidamada Itoobiya lagula eegtay xaafada Xaawa-taako ee magaalada Baladweyn ee xarunta gobbolka Hiiraan.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Itoobiya oo Qarax Lagula Eegtay Baladweyn

Ciidamada ayaa la qarxiyay xili ay miino baaris ay ka wadeen gudaha magaalada, ilaa haddana warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa ka dib Ciidamada waxaa ay sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay ku soo qab qabteen tiro dad ah kuwasoo ilaa hadda gacanta ugu jira.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax noocaan oo kale ah Ciidamada Itoobiya lagula eegto magaalada Baladweyn.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho