Ciidamada Itoobiya oo Xiray Sarkaal ka tirsan Ciidamada DFS

Muqdisho (KON) - Ciidamada Dowladda Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa Maanta Xabsiga Dhigay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Itoobiya oo Xiray Sarkaal ka tirsan Ciidamada DFS

Sarkaalka ay Xireen Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa waxaa lagu Magacaabaa Diyaad Cabdi Kaliil, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada XGS ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Xariga Diyaad Cabdi Kaliil lala Xariirinayo in uu Xabsiga ka siidaayey, Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo Degmada Luuq ku Xirnaa.

C/rixmaan Axmed Ansaari oo ka mid ah Saraakiisha Ahlusunna oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa Keydmedia Online u sheegay in Ciidamada Itoobiya ay Sargaalkaas lagu Magacaabo Diyaad oo ay Xireen lagu Eedeyey Gacansaar uu la leeyahay Maleeshiyada Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe Xabsiga dhigay, ayagoona wali ku jira Gacanta Ciidamada Itoobiya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.