Ciidamada Kenya oo Galabta Qaraxyo lagula Eegtay gudaha degmada Mandheere

Kismaayo (Keydmedia) - Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraaya degmada Mandheera ee gobolka waqooyi Bari Kenya waxaa halkaasi qaraxyo khasaare geystay Galabta lagula eegtay Ciidamada dowladda Kenya, ayadoona ay warar kala duwan ka soo baxayaan Qaraxyadaasi.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Kenya oo Galabta Qaraxyo lagula Eegtay gudaha degmada Mandheere

Qof kamid ah dadka ku nool degmada Mandheera ayaa Keydmedia, u sheegay in qaraxa koowaad oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee Remote-ka laga hagolala eegtay Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada kenya, waxaana markii qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamo kale oo Kenyaati ah iyagana qarax kale ayaa lala eegtay.

Qaraxyadaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray Ciidamadii lala eegtay, balse ilaa hada maca Khasaarahaasi.

Keydmedia.net - Xafiiska,Kismaayo