Ciidamada Kenya oo Magaalada Wajeer Ku Qabtay Walxaha Qarxa iyo Dadkii Watay

Wajeer (KON)- Wararka naga soo gaaraya degmada Wajeer ee gobbolka Waqooyi Bari Kenya ayaa soo sheegay in Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ay magaaladaasi ku qabteen walxaha qarxa iyo dadkii watay, ayadoo Ciidamadu ay saaka howlgallo ballaaran ka wadaan xaafadaha kala duwan ee degmada Wajeer.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Kenya oo Magaalada Wajeer Ku Qabtay Walxaha Qarxa iyo Dadkii Watay

Ciidamada ayaa walxaha qarxa iyo dadka sitay waxay ku qabteen iygoo ku guda jira qorshe ay ku doonayaan inay qaraxyo uga fuliyaan gudaha magaalada Wajeer.

Wararku waxaa ay soo sheegay in Ciidamadu ay qabteen labo wiil oo dhalinyar Soomaaliyeed ah kuwaasoo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda Shabaab.

Xaafadaha kala duwan ee magaalada Wajeer waxaa maanta ka socda howlgallo ballaarn oo ay wadaan Ciidamada Booliska iyo Militariga Kenya kuwaasoo ay ku baarayaan walxha qarxa oo ay suura gal tahay inay wali ku jiraan xaafadaha Wajeer.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo