Ciidamada kenya oo xabsiga dhigay qoys Soomaali ah

Nairobi (Keydmedia) - Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay xereen hal qoys oo Soomaali ah oo la sheegay inay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada kenya oo xabsiga dhigay qoys Soomaali ah

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay howlgalo amaan sugid  ah ay ka bilaabeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuwaasi oo ay kusoo qabqabteen dad kasoo wada jeeda hal qoys.

Qoyskaas Soomaaliyeed ayaa waxay gaarayaan ilaa 8 ruux oo deganadaa mid ka mid ah xaafadaha magaalada Nairobi.

Ujeedada ayaa lagu sheegay inay tahay shaki laga qabo qoyskaas oo ku aadan inay xiriir ay ka leeyihiin Alshabaab.

Dhamaantood waxaa la sheegay inay ku jiraan xabsi ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo ay ku socdaan baaritaano ku aadan eedeynta loo jeediyay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka socday howlgalo amaan sugid ah iyadoo ay dad badan u qabqabteen falalka la xiriira Amni darada.

Maalmahii la soo dhaafay sidoo kale waxaa ka dhacayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.