Ciidamada Kenya oo xiray Rag doonayay in ay ku biiraan Shabaab

Nairobi (Keydmedia) - Ciidamada Kenya ee ilaalada ka haya Xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa xalay gacanta ku dhigay laba shaqsi oola tuhmay in ay doonayeen ka mid noqashada Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Ciidamada Kenya oo xiray Rag doonayay in ay ku biiraan Shabaab

Muwaadiniinta reer Britain ayaa loo gudbiyay dhanka Mombaasa waxaana iminka ku socda Baaritaano xoog leh oo lagu ogaanayo cida ay sida tooska uga tirsanaayeen nimankaasi.

Dowlada Britian dhankeeda hadal ka soo baxay waxaa lagu sheegay  in ay dhankeeda ka qeyb galeyso baaritaankaasi.

Mudooyinkanba waxaa soo kordhayay ajaanibta u soo gudbeysa dhanka Al-shabaab ee dooneysa in ay Shabaab ku biiraan.

Xafiiska Keydmedia.net - Nairobi