Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Dagaal xooggan ayaa saaka ka qarxay duleedka degmada Afmadow kasoo u dhaxeeyay Ciidamada huwanta ah iyo Maleeshiyaadka Shabaabka.
Axmed Sayid Carab oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Raaskaamboni ayaa warbaahinta Keydmedia u xaqiijiyay inay Ciidamadooda, kuwa dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya ay la wareegeen degmada Afmadow,isagoona intaasi ku daray in Maleeshiyaadkii Shabaabka ay magaalada faarujiyeen.
Sidoo kale qaar ka tirsan dadka ku haray magaalada oo aan la xairiirnay ayaa inoo xaqiijiyey in magaalada ay gudaha u soo galeen Ciidamada huwanta ah.
Ciidamada huwanta ah ee magaalada la wareegay ayaa waxaa ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada Afmadow, ayadoona ya Ciidamadu sidoo kale deggen saldhiga degmada, Xarunta Maamulka Afmadow iyo fariisimo kale oo muhiim ah.
Maleeshiyaadkii Kooxda Shabaabka ee Afmadow ka baxay ayaan ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay aadeen, hasayeeshee warar la helaayo waxaa ay tilmaamayaan inay Maleeshiyaadkii Shabaabka ee magaalada laga qabsaday ay u soo ruqaansadeen dhanka magaalada Kismaayo.
Degmada Afmadow waa degmo istaratiji ah, Afmadow waana degmadii labaad oo muhiim ah taasooo ka baxda gacanta Maleeshiyaadka Shabaabka marka lagu daro degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments