Al-Shabaab oo lagala wareegay degaanno hor leh

Ciidamada kooxda Al-Shabaab ayaa lagala wareegay degaanno hor leg, kuwaasoo ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo lagala wareegay degaanno hor leh

JOWHAR, Soomaaliya - Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa maanta Al-Shabaab ka saaray degaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana kamid ah Wardhagax, War Ciise, Gaal leef, Qoordheere, Jilable, Cali Fooldheere, Aqabduco, Lebay buraale, Buula cadaad  iyo Wararaxley. 

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale ayaa hogaaminaya howlgalkaan. Al-Shabaab ayaa inta badan si nabadgalyo ah uga baxay tuulooyinkaan marka laga reebo hal tuuli oo lagu dagaalamay. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kaabiga ku haayay xarunta maamulka Hirshabeelle ee Jowhar iyo degaanada ku teedsan, taasoo cabsi weyn ku abuurtay maamulka Hirshabeelle iyo dadka degaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.