Ciidamadii loo diray Dab damiska oo Billiliqeystay Garoonka Diyaaradaha Nairobi

Nairobi (KON) - Cidamadii Gurmaadka Deg-Deg ahaa oo Daminayeen Dabka ka kacay Garoonka Diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta ayaa bilaabeen Billiliqo.
Warar Keydmedia Online
Ciidamadii loo diray Dab damiska oo Billiliqeystay Garoonka Diyaaradaha Nairobi

Kadib Shilkii Dabka ahaa ee ka dhacay Arbacadii Garoonka Diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyata ayaa baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in Ciidamadii Gurmadka Deg-deg ahaa ee loo diray inay damiyaan Dabka kacay ay bilaabeen inay bililiqaystaan Dukaamadii iyo Xafiisyadii Sarifka Lacagaha qalaad ee garoonka ku dhex yaalay.

Ciidamada oo ku mashquulay boobkaas ayaa sababtay in dabkii uu faraha kasii baxo oo la damin waayay maadaama gawaaridii dabdamiska looga tagay banaanka ay Ciidamadii waday ku mashquuleen Boob iyo Bililiqo.

Inta badan qeybihii bixitaanka iyo soo degitaanka ee Garoonka ayaa gubtay, waxaana si weyn u burburay dukaamadii canshuur-dhaafka (Duty Free) ee Garoonka ku dhexyaalay. Lama kala garan karo hantida gubatay iyo mida la bililiqeystay, maadaama xaaladu ay faraha ka baxday.

Inta badan wadamada Afrika ayaa nolosha caadiga ah waxaa ka mid noqday Boobka iyo dhunsashada Hantida dadweynaha ee Madaxda iyo Ciidamada Wadamada Afrika ay caadeysteen, laakiin Arintaan ayaa Fadeexad weyn ku noqotay Xukuumada Cusub ee Kenya.

Keydmedia Online - Wadanka - Xafiiska Nairobi