Ciidamadii Milatariga oo laga Raray Siinka Dheer

Muqdisho(KON) - Ciidamadii Milatariga ee ku sugnaa Deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa laga Raray kadib Markii la sheegay in Falalka amaan daro ay halkaasi ku badatay.
Warar Keydmedia Online
Ciidamadii Milatariga oo laga Raray Siinka Dheer

Ciidamada Milatariga oo halkaasi jooga tan iyo Markii Maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaray Magaalada Muqdisho ayaa Saakay laga Raray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Keydmedia Online u sheegay in u jeedka Ciidamada loo raray ay tahay kadib markii la sheegay in Deegaanka Siinka Dheer lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka ah.

Waxaa ay intaa ku dareen Saraakiisha in Sababta ugu weyn ay tahay in Ciidamada Milatariga loo haysto in ay wax ka ogaadeen Weerarkii lagu Dilay Dhaqaatiirtii Siiriyaanka iyo Soomaaliada is kugu jirtay.

Intaa ka dib ayaa waxaa Siinka dheer la geeyey Ciidamo Boolis ah oo la dajiyey Goobihii ay Daganayeen Ciidamada milatariga Dowladda Soomaalia.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho