Ciidamda Dowlada iyo kuwa Amisom oo la wareegay Garoonka Diyaaradaha Jowhar

Jowhar (KON) - Ciidamda Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa Shalay Galab la wareegeen Deegaano dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Jowhar.
Warar Keydmedia Online
Ciidamda Dowlada iyo kuwa Amisom oo la wareegay Garoonka Diyaaradaha Jowhar

Sarkaal u hadlay Ciidamda dowladda iyo AMISOM ayaa Warbaahinta u sheegay: “Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ayaa la wareegay deegaanno uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Jowhar, waxaana socda qorsheyaal la doonayo in lagu gaaro Mahadaay.”

Dhamaadkii Sanadkii hore ayee ahayd markii Ciidamda Dowlada iyo kuwa Amisom ay la wareegeen Degmada Jowhar.

Garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa wuxuu degmada Jowhar u jiro 19-km, iyadoo sidoo kalena ay degmada Mahadaay u jirto Jowhar 30-km oo dhinaca waqooyi ah.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo