Ciidamda Dowlada oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Bay

Baydhabo (KON) - Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ayaa la wareegay deegaano hoostaga gobolka Baay, kadib howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab oo ay ka sameeyeen gobolkaasi.
Warar Keydmedia Online
Ciidamda Dowlada oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Bay

Xasan Beydhabo oo ka mid ah saraakiisha ciidamada XDS ee gobolkaasi oo Idaacadaha Mudsiho la hadlay ayaa sheegay in saacadihii ugu dambeeyay ay ciidamadu Maleeshiyaadka Shabaab kala wareegeen tuulooyin farabadan oo hoos taga Gobolka Baay.

Sidoo kale Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in si dardar leh ay ku socdaan howlgallada ciidamada XDS ay gobolkaasi kaga sifeynayaan haraadiga Maleeshiyaadka Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadkii Shabaab ay isugu soo urureen dhanka Iidaale.

Xasan Beydhabo ayaa tibaaxay in tuulooyinkii ay dadka baadda kaga qaadijireen oo ay ciidamadu la wareegeen ay ka mid yihiin Goodis, Goorisamo, Buulobarako, Dhaaloow, iyo Xawaal Barbaaro oo dhamaantood ka kala tirsan degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor ee gobolka Baay.