Dagaal ka dhacay Kismaayo - Maleeshiyaadka Raaskambooni oo Weerar ku qaaday Ciidamada Dowlada

Kismaayo (KON) - Ugu yaraan 8 Qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen Dagaal Maantay dhexmaray Ciidamda dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Maleeshiyaadka Raaskaambooni oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Kismaayo - Maleeshiyaadka Raaskambooni oo Weerar ku qaaday Ciidamada Dowlada

Dagaalkaan oo Saacado socday ayaa yimid kaddib markii ay Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ay Weerar kusoo qaadeen bar Kontarol oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Wariyaha KEYDMEDIA ONLINE ee Kismaayo ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay toogteen Labo kamid ah Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe islamarkaasina dagaal uu ka qarxay Magaaladaasi iyadoo dagaalka la soo sheegayo in gaadiidka dagaalka ay ka qayb qaateen.

Teer iyo markii ey Magaalada Kismaayo Gacanta u gashay Ciidamda Kenya iyo kuwa R/kamboni ayaa waxaa ka dhacay Dilal Qorsheysan oo lamid ah kuwa Muqdisho laga fuliyo iyo dhac iyo far-ku-fiiq Qabaa'ilka qaarkood oo aan Raaliga ka aheyn Qabsashada Ciidamda Kenyaanka iyo kuwa R/kamboni ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo Magaalada qabsaday ayaa qaarkood habeenkii waxey kusoo faafaan Xaafadaha Magaalada Kismaayo waxeyna qalqal ku beeraan Dadka Degaanka.

Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa aad looga cabanayaa Magaalada Kismaayo, sida KON ay horey usoo qortay.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo