Ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay Isgoyska Fagax

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa soo gaaray Isgoyska Fagax, iyagoo halkaas ka sameystay fariisin hor leh. 

Warar Keydmedia Online
Ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay Isgoyska Fagax

MUQDISHO, Soomaaliya - isgooska Fagax oo kala qaybiyay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayey soo gaareen ciidamo gadoodsan oo ka yimid gobolka Shabeelaha Dhexe, waxay fariisin ciidan ka sameysteen halkaasi iyagoo aan weli si rasmi ah u caddeyn sababta gadoodkooda dhalisay.

Dadka deggan Fagax agagaarkeeda ayaa sheegaya in ay arkayaan ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo soo buux dhaafiyay isgooska Fagax. Dowladda Soomaaliya ayaana wali ka hadlin ciidamadan soo galay gudaha Magaalada gaar ahaan dhanka deegaanada Waqooyi ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa isku dayay xalay in Ciidanka ka soo baxay furimaha dagaalka ee soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho aysan gudaha soo galin, arrinta cabashadoodana la xallin doono, hayeeshee waxay u muuqataa dadaalka Taliye Odawaa ku bixinayay xallinta arrintaasi in ay noqotay mid lagu guul darreystay, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamda ay gudaha magaalada soo galeen iyagoo fariisin ka sameystay Isgoyska Fagax Odowaa ayaa xalay Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka uu ka dalbaday inay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, iyagoo ku gacan sayray

Wararka aan heleeno qaar ayaa sheegaya gadoodka ciidanka uu salka ku hayo arrinta muddo kordhinta, waxaana warar soo baxayay ay sheegayaan in Saraakiisha hoggaamineysa ciidankan ay damacsan yihiin inay warbaahinta la hadlaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.