Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Xubno ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo shalay ka gadoodey Gaaska Dhaan-karoone ee Degmada Galinsoor ayaa Saakay warbaahinta u shegay in gadood-koodu uu salka ku hayo raadinta xaq iyaga ka maqan sida ay sheegeen.
GALINSOOR, Soomaaliya - Ciidankan godoodsan ayaa Dowladda Galmudug ku eedeeyay in ay ka waayeen mushaarkii ay xaqa u lahaayeen isla markaana ay sugayeen dhowr-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Ciidankaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa shalay lasoo wariyay in ay jid-gooyo dhifteen Magaalada Galinsoor.
Askar-tan Gadoodsan ayaa saakay Galinsoor ku soo Bandhigay Dhoolatus ciidan, waxayna Sheegeen in aysan wadada ka tagi doonin inta ay helayaan xuquuqda ay leeyihiin.
Tan iyo Markii Qoor-qoor uu noqday Madaxweynaha Galmudug waxaa faraha ka baxay Amniga iyo xasiloonida maamulkaas, xalay oo ayayna ahayd markii deeganada Tuulo-xoosh oo Mudug ka tirsan iyo Ceeldheere oo Galgaduud ka mid ah ay kooxda Al-shabaab weeraro ku qaadeen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments