Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Degmada Matabaan

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta degamda Matabaan oo bilooyinkii u dambeeyay ka taagnaa muran ku saleysan dhinaca maamulka

Warar Keydmedia Online
Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Degmada Matabaan

MATABAAN, Soomaaliya - Ciidamo horay uga tirsanaa maamulkii Ahlusuna ee gobollada dhexe, kana mid noqday ciidamada milatariga Dowldda qeybta 21-aad ayaa xalay la wareegay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamadu waxay la wareegen goobo muhiim u ah Degmada Matabaan sida baraha koontoroolada ee lagasoo galo Degmada, Saldhigga Booliska iyo xarunta Degmada,

La wareegitaanka Ciidamadan horay uga tirsanaa ururkii Ahlusana ee Degmada Matabaan ay la wareegen subaxnimadii maanta ayaa imaanaysa kadib markii saraakiisha Ciidamadan ay muujinayeen cabasho ka-dhan ah shaqadooda islamarkaana ay isku dhaceen madaxweynaha Galmudug.

Gacan ku haynta degmada Matabaan ayaa bilooyinkii u dambeeyay la isku haystay, iyadoo maleeshiyaad ka kala tirsan labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku dagaallameen, marba kooxna ay gacantooda soo galeysay, ayaa hadda waxay u muuqataa in koox gadoodsan ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Matabaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.