Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Koontaroolka Gaalkacyo

Ciidamo ka tirsan darawiishta Galmudug ayaa la wareegay Koontaroolka weyn ee magaalada Gaalkacyo iyagoo ka cabanaya mushaar la'aan.

Warar Keydmedia Online
Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Koontaroolka Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan darawiishta Galmudug ayaa la wareegay qaar kamida baraha Koontaroolada ee laga galo magaalada Gaalkacyo. Ciidamada ayaa mushaar la'aan darteed sameeyay Gadood waxayna la wareegeen Koontoralada Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee fadhigoodu yahay Xerada loo yaqaan Indha-qaris ayaa saakay la wareegay ilaa saddexda Koontorool ee laga soo galo magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo gaadiidka u diidaya inay magaalada ka  baxaan ama soo galaan.

Ciidankaan ayaa la sheegey inay ka cabanayaa mushaar la'aan mudo saddex bilood ah oo uusan maamulku siin wax mushaar ah! Inta badan ciidamada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sidan oo kale sameeya markii uu kasoo daaho mushaarka.

Xilliga kala guurka waxaa la arkaa ciidamo gadoodsan kuwaasoo mushaar la'aan awgeed jidadka xirta, madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyagoo ka arrinsanaya arrimaha doorashooyinka, dhinaca kalena ciidamada milatariga ee ku sugan jiidda dagaalka iyo xeryaha ciidamada ayaa mushaar la'aan awgeed gadood sameynaya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].