Ciidamo is-hor-taagay dejinta doon ganacsi oo kusoo xiratay Dekadda Hobyo

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-jooge yaal ah, waxaa hakad uu ku yimid dejinta Doon ganacsi oo kusoo xiratay dekadda Hobyo, inkastoo galinkii dambe ee maanta dib loo bilaabay dejinta Shixnadaha saaran doonta

Warar Keydmedia Online
Ciidamo is-hor-taagay dejinta doon ganacsi oo kusoo xiratay Dekadda Hobyo

HOBYO, Soomaaliya - Waxaa hakad galay dejinta doon ganacsi oo kusoo xiratay dekadda Hobyo taasoo u rarneed ganacsatada Baraarug corporation ee ka howl gasha dekadda Hobyo.

Hakadka ku yimid howshii dejinta doonta ayaa sabab u ahayd kaddib markii maamulka iyo Ciidamo isku-dhaf ah ay is hortaageen dejinta buuq soo kala dhex galay awgiis, inkastoo galinkii dambe dadaallo ay sameeyeen Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Kallumeysiga Xildhibaan Cabdisaabir Shurie iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee Galmudug Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi.

Howshii dejinta doonta oo dib ubillaabatay kaddib hakad ku yimid maanta!

Doonta oo ahayd mid ganacsi kana soo ambabaxday waddanaka Imaaraatka Carabta ayaa sidday shixnado isugu jiray Raashiin, qalab dhisme gawaari iyo agab kale, waxaana maanta uu buuq ka dhashay dejinta doonta, hakad ku yimid kaddib waxaa lagu guuleystay in galabta ay billaabatay howshii dejinta shixnadaha kala duwan ee saaran doonta.

Maamulka Galmudug ayaa wada qorshe si rasmi ah loogu furayo Dekadda Hobyo oo horay u heshay ballan-qaadyo tiro badan kuwaasoo la sheegay in la dhisi doono, inkastoo aan weli la dhisin dekadda waxaa dhowr jeer kusoo xirtay doomo ganacsi kuwaasoo u rarnaa ganacsato deegaanada Galmudug kasoo jeedda kuwaasoo ka faa'iidesanaa qiimo dhimista canshuurta ee maamulka Galmudug uu usameeyay dadaka kala soo dagaya ganacsiga dekadda Hobyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.