Ciidamo isku hor fadhiya Kawaanka malaayga ee Liido

Ciidamo ka kala tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku hor fadhiya kawaanka lagu iibiyo mallaayga ee Liido degmada Cabdicasiis Gobolka Benaadir

Warar Keydmedia Online
Ciidamo isku hor fadhiya Kawaanka malaayga ee Liido

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku hor fadhiya kawaanka lagu iibiyo mallaayga ee Liido degmada Cabdicasiis Gobolka Benaadir.

Ciidamada ayaa isku haya canshuurta laga qaado kawaanka, iyadoo labada ciidan ay kala hoggaaminayaan laba nin oo dhallinyaro ah kuwaasoo mid kasta oo iyaga ka mida uu ku doodayo in loo xil saaray canshuurta kawaanka Malaayga ee Liido.

Xilliga lagu jiro oo u muuqda kala guur rabshado wata ayaa waxaa kooxo hubeysani ay billaabeen in ay canshuurta isku qabsadaan, koox kastana waxay u halgameysa lacagaha canshuurta in ay iyadu qaaddo.

Suuqleydii iyo shacab careysan oo halkaas wax ka iibsanayay ayaa bannaanbax ka billaabay goobta, waxa ayna diiddan yihiin labada canshuur ee laga qaadayo, iyadoo aan ogsoonahay in magaalada Muqdisho qeybo badan oo kamida ganacsiyada, hoteelada iyo dhismayaasha waa weyn ee magaalada ay bixiyaan laba canshuur oo mid kamida ay qaataan kooxda Al-Shabaab, tan kalena dowladda ayaa ka qaadda.

Canshuurtii dowladda ay qaadeysay ayaa haddana laba noqotay, kooxo hubeysan ayaa hadda isku hor fadhiya illinka hore ee kawaanka Malaayga Liido.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].