Ciidamo lagu weeraray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad

Waxaa maanta duhurnimadii weerar lagu qaaday, ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ilaalinayey amaanka dhismaha ka socda, wadada xiriirisa Muqdisho Iyo Balcad.
 

News Keydmedia Online
Ciidamo lagu weeraray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad

MUQDISHO, Soomaaliya- Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar maanta lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda oo ilaalinayey dhismaha ka socda wadada xiriirisa Balcad Iyo Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa ciidamada weeraray, iyagoo ku guda jira howshooda maalin-laha ah, waxaana halkaasi ku geeriyooday 1 askari, iyadoo 2-kalana ay ku dhaawacmeen.

kooxdii weerarka soo qaaday, ayaa baxsatay, waxaana goobta tagay ciidamo fara badan, kuwaas oo iminka wada, howlgallo lagu baadigoobayo, kuwii falkaasi ka danbeeyey.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu dilay ciidamadan ka tirsan dowladda, waxaase labadii bilood ee ugu danbeysay ay ilaalinayeen, amaanka shaqaalaha ku howlan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Dilalka ka dhacay caasimadda ayaa joogto noqday, waxaana inta badan masuuliyadooda sheegtay, kooxda Al Shabaab oo dagaal kula jirta hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, halka hay'adii amniga ee arrinta ku shaqada lahaa, ay dayaceen howshii loo igmaday.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.