PM Hamza: Qatar an important partner of Somalia
Is-rasaaseyn khasaare gaysatay ayaa galabta dhex martay ciidamo ka wada tirsan Puntland.
MUQDISHO, Soomaaliya- Ciidamo ka wada tirsan Puntland ayaa galabta isku rasaaseeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ciidamada is-rasaaseeyey ayaa ka kala tirsanaa ciidanka PSF iyo kuwa Booliska, kuwaa oo muddooyinkii ugu danbeeyey dhowr mar ku dagaallamay gudaha Boosaaso.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in is-rasaaseynta ay timid, kadib khilaaf soo kala dhex galay labada ciidan oo ku wada sugnaa xeebta magaalada Boosaaso.
Xilligii is-rasaaseyntu dhaceysay, ayaa waxaa xeebta ku sugnaa shacab fara badan oo usoo damaashaad tagay halkaasi, kuwaas oo cabsi badan ay la soo daristay.
Inta la shaaciyey, labbo qof oo mid ka mid ah uu rayid yahay ayaa ku geeriyooday is-rasaaseynta, waxaana jira dhaawac fudud oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee xeebta ku sugnaa.
Ilaa iyo iminka saraakiisha amaanka magaalada ayaanan ka hadlin dhacdadaasi, xilli maalmihii ugu danbeeyey ay Boosaaso noqotay furin ay ku dagaallamaan ciidamada maamulkaas.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments