Ciidamo la soo dhoobay waddooyinka Muqdisho

Ciidamadaan ayaa howlgallo lagu dar-dar gelinayo amniga caasimadda ka bilaabay Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
Ciidamo la soo dhoobay waddooyinka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waddooyinka waaweyn ee halbowlaha u ah caasimadda Muqdisho ayaa xalay la soo dhoobay ciidamo boolis ah, oo sugaya amaanka magaalada, oo maalmihii la soo dhaafay ahaa mid faraha ka sii baxayay.

Ciidamadaan oo darees ka duwan kii hore xirnaa ayaa lagu arkayay isgoysyada qaar, iyagoona safaf dhaadheer gelinaya gadiidka waddada maraya, waxeyna weydiinayeen wadaha gaadiidka halka uu ka yimid iyo in uu aqoonsigiisa la soo baxo.

“Ujeedka howlgaladaan oo Ciidanka Boliisku sameynayaan ayaa ah, sidii loo adkeyn lahaa amniga iyo Xasiloonida Caasimada. Isla markaana looga hortagi lahaa fursado amni daro oo ay maleegaan argagixisadu iyo cid walba oo sababi karta fal amniga lid ku ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo saxaafada la hadlayey.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xalay kormeer ku sameeyay degmooyinka qaar ee Muqdisho, iyagoona si gaar ah socdaal ugu sameeyay baraha control ee ciidamada gaadiidka ku baaraan.

Arintaan ayaa qey ka ah dar-dar gelinta howlaha amniga ee xasilinta caasimadda, waxaana xusid mudan in kulan ay dhawaan yeesheen Hay'adaha amaanka iyo gobolka Banaadir la isku afgartay in howlgallo joogta ah laga sameeyo magaalada oo maalmihii la soo dhaafay marti gelisay weeraro iyo qarxyo ay dad badan ku dhinteen.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.