Ciidan lagu soo tababaray Eritrea & Turkiga oo kusoo wajahan Muqdisho

Farmaajo ayaa muddo badan ciidankaan sugayey.

Warar Keydmedia Online
Ciidan lagu soo tababaray Eritrea & Turkiga oo kusoo wajahan Muqdisho

Macluumaad ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in Todobaadyada soo socda ay magaalada Muqdisho kusoo wajahan yihiin ciidamo farabadan oo lagu soo tababaray dalalka Turkiga ito Eritrea. 

Ciidamadan ayaa kaalin ka qaadan doonaan sugidda amniga guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka, sida ay KON u sheegeen Saraakiil ka tirsan Nabasugidda. 

Ciidamadan ayaa tababar waxaa u dirtay dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxaana la sheegayaa in saami qeybsiga beelaha aan lagu saleyn ee dano gaar ah ay ka leeyahay Farmaajo.

Inkastoo shaki uu ku jiray qorshaha ciidankaan oo markii hore la sheegayey in Farmaajo uu doonayo awood in uu ku qabsado hoggaan dalka, ayaa hadana dadka falanqeeya sidaaysadda waxay sheegayaan in Farmaajo uu doonayo inuu qabsado doorasho tartankeeda aanu xooganeyn, kadibna uu ciidanka adeegsado marka ay siyaasiyiintu doodaan.

Farmaajo ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho wuxuu keenay ciidamo isaga ku heyb ah, wuxuuna gobollada geeyey ciidankii heyb ahaan Muqdisho kasoo jeeday.

Keydmedia Online ayaa ah warbaahintii ugu horeysay oo shaaca ka qaadey in Eritrea ay usoo dirtay Muqdisho Ciidamo badan oo Sirdoon ah oo dalkeeda kusoo tababartay, waxeyna KON shacisay warkaas labo bill kahor.

Bishii September ee sanadkan ayay Keydmedia Online daabacday Warbixin ku saabsan in 400 oo askari, oo si qarsoodi ah tababar ugu soo qaatey gudaha dalka Eritrea laga soo dejiyay Muqdisho, iyadoo ay kasii horeeyeen qeyb kale oo 29 July 2020 ka keenay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.