Ciidamo lasoo dhoobay qaar kamida waddooyinka Muqdisho

Kaddib farriintii xalay loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka BJF waxaa ciidamo lasoo dhoobay qaar kamida waddooyinka magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Ciidamo lasoo dhoobay qaar kamida waddooyinka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa xalay xilli dambe lasoo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee gala xarumaha Villa Somalia iyo Villa Hargeysa.

Tallaabadan ciidamada lagu soo daadiyay waddooyinka ayaa yimid kaddib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya loo diray farriin loogu sheegayo inuu maanta jiro kulan looga doodayo mooshin ku saabsan doorashooyinka qaranka.

KEYDMEDIA ONLINE oo xiriir la sameysay qaar kamida Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay u xaqiijiyeen in mooshinkan oo dhowr mar oo hore la laalay, sababo la xiriira buuq ay sameeyeen qaar kamida xildhibaanada Golaha iyo cadaadis ka yimid Beesha Caalamka uu maanta go'aansaday si qar iska tuurnimo ay ku jirto Guddoomiye Mursal inuu golaha u hor keeno halkaasna muddo kordhin loo sameeyo hay'adaha dowladda ee Golaha Shacabka, Xukuumadda iyo Madaxweyeynaha.

Tallaabada maanta ee ah in muddo kordhin loo sameeyo hay'adaha dowladda waxay keeni kartaa in dalku uu galo xaalad qasan oo jahwareer ah, iyadoo in badan beesha caalamku ay ka digtay waxa loogu yeero muddo kordhin, doorasho dhinac ah iyo mid bar-bar socota!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].