Ciidamo Mareykan ah oo Muqdisho ka dagay

Ciidamo kumaandoosta Mareykanka ah ayaa galabta ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen Keydmedia Online. 

Warar Keydmedia Online
Ciidamo Mareykan ah oo Muqdisho ka dagay

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Maraykanka ayaa galabtay waxay ka dajisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ciidamo si gaar ah u tababaran oo la sheegay inay ilaalin doonaan ammaanka siyaasiyiinta ka qaybgalaysa shirka ay beesha caalamka qorshaynayso inuu berri ka furmo Afisiyooni ee gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qorshaha Maraykanka ayaa yimid kadib markii Hogaamiyaasha Maamulka goboleedyadda Puntland iyo Jubbaland ee sheegeen in ay ka walwalsan yihiin amaankooda. 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntlad Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi siinayay mid kamida warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in xalay dowladda waqtigeedu dhamaaday ay ciidamo hor leh kusoo daabusahy garoonka Aadan Cadde oo uu degan yahay, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay lamid tahay weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore xili ay ku sugnaayeen Hotel Maa’ida ee magaalada Muqdisho!

Maxaa shir laga qeyb-galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay lamid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Hotel Maa’da,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

Dhinaca kale Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay arrin saacadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayey, midaasi oo la xiriirtay in garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade la geeyay ciidamo hor leh.

Safaaradda dowladda Mareykanka ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay xil iyo mas'uuliyad isaga saari lahayd sidii uu ku qabsoomi lahaa kulankan oo la saadaalinayo inuu noqon doono kii ugu dambeeyay maadaama shirar hore lagu kala tagay iyadoo aan go'aanno la isla ogolyahay la gaarin, kuwa kalena ay qabsoomi waayeen!

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ay maanta soo qortay ku amartay in madaxda dowlad goboleedyada aysan ka bixi karin Muqdisho ilaa xal laga gaaro, arrintaasina waxay umuuqataa cadaadis xoog leh oo ay dowladda Mareykanka ku saareyso madaxda Soomaalida in ay udhabar-adeegaan, natiijo fiicana ay ka gaaraan arrimaha doorashooyinka, ciidamada galabtay soo gaaray Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay la wareegaan ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo, iyadoo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uu qorsheynayo inuu talada shirka, ammaanka goobta iyo guud ahaan shirkaba la wareego, taasoo ay ka biyo-diidsan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.