Ciidamo uu Hogaamiyo Warlord Barre Hiraale oo Kismaayo Abaabul Dagaal Ka Wada

Kismaayo (KON) - Kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay magaalada ku soo qul qulayaan Ciidamada beesha Mareexaan iyagoo ka imaanaya dhanka gobbolka Gedo ayaa waxaa ay gudaha magaalada Kismaayo ka bilaabeen abaabul Dagaal oo ka dhan ah ciidamada kale ee magaalada ka arrimiya.
Warar Keydmedia Online
Ciidamo uu Hogaamiyo Warlord Barre Hiraale oo Kismaayo Abaabul Dagaal Ka Wada

Ciidamada Is amaabulaya ee Beesha Mareexaan waxaa hogaaminaya ragg la sheegay inay ka gadoodsanyihiin maamulka KMG ah ee magaalada ka dhisan, waxaana ragaasi iyo Ciidamadooda ay markii hore ka soo lugeeyeen dhanka gobbolka Gedo.

Xaafadaha Guulwade iyo Iskufilin ee magaalada Kismaayo ayaa kamid ah meelaha ay sida gaarka ah isugu abaabulayaan Maleeshiyada Mareexaan.

Lama oga sida xaalku noqon doono, balse waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in ragga is abaabulaya ay abaabulkoodu ka dambeeyaan ragg uu kamid yahay Barre Hiiraale.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo