Ciidamo iskaga soo baxay Kismaayo oo Muqdisho yimid

Muqdisho (KON) - Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugna Degmooyin iyo Deegaano ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa iskaga soo baxay, kuwaas oo soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo Qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Ciidamo iskaga soo baxay Kismaayo oo Muqdisho yimid

Ciidamadaan ayaa ka soo dhaqaaqay Deegaanka Goobweyn iyo Deegaano hoos yimaada intaba, waxaana ay soo mareen dhulka Xeebta ku teedsan, ayagoona mudo 7-Cisho ah ku soo jiray Wadada.

Cornel Xasan Max’ed Barqadle oo Hogaaminayey Ciidamada ka soo tagay Magaalada Kismaayo oo soo gaaray Muqdisho islamarkaana la hadlay BBC Laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Xaalada Adag ay ku qabsatay halkaasi, taasna ay sababtay in ay ka soo tagaan.

Cornel Xasan ayaa intaa ku daray in Xaalada adag ee soo Foodsaartay ay kamid tahay, Daryeel la’aan, sida Daawo la’aan, Rasaas ay Cadawga kula dagaalamaan iyo wax ay Cunaan intaba.

“Waxaan u dhaxeynay Labo Cadaw oo kala ah Maleeshiyada Al-shabaab iyo Raas-kambooni,waan joogi weynay halkaas,Dowladda Cabashadeena waan u gudbinayo oo wax kama qaban,sidaas ayaan ku soo baxnay” ayuu yiri Cornel Xasan Barqadle.

Ciidamadaan ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen Ciidamo lagu soo Tababaray Dalka Kenya, kuwaas  oo Gobolada Jubooyinka kula dagaalamay Al-shabaab iyo Maleeshiyada Raas-kambooni.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.