Ciidamo ka socda Burundi oo Muqdisho yimid

Muqdisho (KON) - Sida ay AMISOM faafisay, waxaa Muqdisho soo gaaray Ciidamo ka socda Dalka Burundi oo tiradoodu gaareysa 800 oo Askari.
Warar Keydmedia Online
Ciidamo ka socda Burundi oo Muqdisho yimid

Ciidamadaan waxa la sheegay inay badal unoqdeen 800 oo askari oo iyana dalka ka dhoofay 26 bishan maalin ka hor iyagoo kusii wajahan magaalada caasimada ah ee Bujunbura dalka Burundi.

Saraakiil katirsan AMISOM oo ciidamadaasi yimid kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Adan Cadde airport ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in badal uyihiin tiro la mid ah kuwa yimid oo muddo hal sano ah kusugnaa Somaliya.

Warkaan ayaa wasaarada difaaca Burundi waxay ku sheegtay inay ciidamo kuweeda ah Somaliya kasoo daabuleen kuwa kale oo badal unoqonayana ay soo gaarsiiyeen si ay howsha meeshii uga sii wadaan.

Dalka Somaliya ayaa waxa ka howlgala ku dhawaad 20,000 (Labaatan kun) Askari oo ka kala socda dalka Ugandha,Burundi,Kenya,Jabuuti iyo Seira Leone) dhamaantoodna waxay ku howlgalaan magaca AMISOM oo ay dagaalada ka caawiyaan DF Somaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho