Ciidamo ka tirsan Dowlada oo la qarxiyay

Muqdisho(Keydmedia) Waxaa xalay gudaha degmada dharkeynley ee gobalka Banaadir qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan Dowlada oo halkaasi fariisin ku lahaa
Warar Keydmedia Online
Ciidamo ka tirsan Dowlada oo la qarxiyay

Qaraxa ciidamada ayaa loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuura ah waxaana halkaasi ku geeriyooday laba ka tirsan ciidamada iyadoona rasaas ay fureen ciidanka ay ku dhawacmeen laba kale.

Falka waxa ayaa ka dhacay goob ay ciidamada lacago ka qaadaan gaadiidka dadweynaha oo ku taala xaafada dabakaaya madow ee degmadaaasi.

Dhanka kale degmada xamarweyne ee isla gobalka banaadir oo ka mid ah degmooyinka ay dowlada maamusho waxaa xalay ka hirgalay bandow la mid ah kii hore looga hirgaliyay xamarjajab.

www.keydmedia.net