Ciidamo ka tirsan dowlada oo Tababar loogu qaaday Jabuuti

Muqdisho (KON) Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa tababar loogu qaaday wadanka Jabuuti.
Warar Keydmedia Online
Ciidamo ka tirsan dowlada oo Tababar loogu qaaday Jabuuti

 

Ciidamadaan maanta tababarka looqaaday ayaa waxay tiradoodu ay gaaraysay ilaa iyo 200-oo askari, waxaana soo qaadanayaan tababaro kala duwan oo uu ka midyahay sida danbiyada loo baaro.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadaan tababarka uu u socon doono mudo sadax bilood ah ka dibna ay ku soo laaban doonaan magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay tababaro ku soo qaataan wadanka dibadiisa waxaana, waxaana haatan dowlada Soomaaliya ay u dadaalaysaa dib u dhiska ciidanka.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho