Ciidamo Kenyaan ah oo soo galay Ceelwaaq

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamo xoog badan oo kenyaan ah ayaa soo galay deegaanka ceelwaaq ee gobalka Gedo aroornimadii Saakay.
Warar Keydmedia Online
Ciidamo Kenyaan ah oo soo galay Ceelwaaq

Ciidamada ayaa la sheegay in ay wataan hub culus iyo diyaaradu waxaana cabsi badan muujinaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada gedo ku dhaw.

Diyaaradaha kenya ayaa la sheegay in ay jawi hoose ku socdaan isla markaana heehaabayaan deegaanka Ceelwaaq ee gobalka Gedo dhacana xuduuda.

Hadal heynta ugu weyn ee warbaahinta caalamka ayaa ah arintan ku saabsan soo galitaanka ciidamada kenya gudaha Soomaaliya.

www.keydmedia.net




Warar 21 October 2020 9:51

Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo sidoo kale isbedel lagu sameynayo talisyada laamaha Amniga degmooyinka Gobolka Banadir, sida ay ogaatay Keydmedia Online.