Ciidamo la Wareegay Degmada Kaaraan Gobolka Banaadir

Muqdisho (KON) - Ciidamo iskugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayaa Saaka la Wareegay Saldhiga iyo Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Ciidamo la Wareegay Degmada Kaaraan Gobolka Banaadir

Wararka ayaa sheegaya  in Amarka Ciidamada ay kula Wareegeen Xarunta Degmada iyo Saldhiga uu bixiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen “Muungaab”.

Waxaa la sheegayaa in Arintaan ay ka Danbeysay ka dib Markii Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Cali Calasoow Xasan uu Diiday Warqad Xilka looga qaadayey.

Xarunta Degmada iyo Saldhiga Kaaraan ayaa hada waxaa ku sugan Ciidamada Baaliska iyo Nabadsugida Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Gudoomiye Muungaab uu Amar ku siiyey  Ciidamada Amaanka Soomaaliya in ay soo xiraan Gudoomiyaha Degmada Kaaraan.

Waxii ku soo kor dha kala soco Keydmedia

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho