Ciidan hor leh oo galabtay ku biiray ciidamadii gadoodsanaa

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad ayaa ku biiray galabtay ciidamadii ubadnaa milatariga ee ka gadooday muddo kororsigii Farmaajo loo sameeyay, kuwaas oo ku sugnaa waqooyiga magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Ciidan hor leh oo galabtay ku biiray ciidamadii gadoodsanaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo dhowra oo ka tirsan Booliska lagu soo tababaray Turkiga ee loo yaqaan Haramcad ayaa galabtay si rasmi ah ugu biiray ciidamadii gadoodsanaa ee dowladdu ka saartay liiska ciidamada mushaariga.

Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka loogu yeeray Badbaado Qaran ee gadoodka ka keenay muddo kordhintii laga laabtay ee kooxda Farmaajo ay ku dooneysay in ay Villada iska sii joogaan laba sano oo hor leh.

Kabtanka iyo ciidanka uu wato ee gabbal-dhicii maanta ku biiray ciidamadaasi ayaa waxay ka dhigantahay in xasaradihii weli ay taagan yihiin, hadalkii uu afka ka yiri Farmaajo ee ahaa inuu amniga hoos geeyay RW Rooble ayaa u muuqda mid aan la aamini karin marnaba!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].