Ciidan ka tirsan XDS oo isku dhiibay Somaliland

Ciidan ka tirsan kumaandoosta Danab ee uu Mareykanku tababaray iyo kumaandoosta Turkiga lagu soo tababaray ee Gorrgor ayaa isku dhiibay maamulka Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Ciidan ka tirsan XDS oo isku dhiibay Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Taliska ciidamada Somaliland ayaa soo bandhigay Saraakiil kasoo goosatay CXDS kuwaasoo tiro ahaan gaaray ilaa Afar askari, waxayna sheegeen in la qalday oo mabda’a midnimo loogu yeeray oo been ah lagu qiyaanay.

Saraakiishan ayaa ka tirsanaa ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo  Gorgor waxayna cafis weydiisteen mas’uuliyiinta Somaliland oo ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo shacabka reer Somaliland oo ay usheegeen in la qalday, maadaama ay yihiin bani-aadam qaladkana uu dabiici ka yahay xagooda.

Ciidamadan oo la hadlayay warbaahinta maamulka Somaliland ayaa waxay sheegeen in la qalday, qaar kamida ciidamada ayaa waxay sheegeen in iyagoo waxbarasho wada loo jiiday dhinaca kale ee ciidanimada, waxayna tilmaameen in dalka dibaddiisa wax lagu soo baray.

Ciidamadan lasoo bandhigay ee kasoo goostay CXDS ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:

  1. Jaabir Ismaaciil Cismaan (2-Xidigle)
  2. Maxamuud Axmed Cali (Xidigle)
  3. Yuusuf Maxamed Jaamac (Xidigle)
  4. Maxamed Xasan Xaashi (Dable)

Ciidamada ku milmay siyaasadda ee qeybta ka ah ololaha doorashada madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa waxaa ku socday dhibaatooyin ay kamid yihiin weerarro ka imaanaya kooxda Al-Shabaab, goosashada ciidamada kumaandoosta Danab iyo Gorgor ayaa dhabar-jab labaad ku ah CXDS.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.