Ciidan la kala dhex-dhigay Maleeshiyaad ku dagaallamay Galgaduud

Maleeshiyaadkan la kala dhex-galay ayaa halkaasi saacado ku dagaallamay.

Warar Keydmedia Online
Ciidan la kala dhex-dhigay Maleeshiyaad ku dagaallamay Galgaduud

Maamulk Galmudug, gaar ahaan NISA ayaa waxay ciidan kala dhex-dhigtay maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed, kuwaasi oo maanta ku dagaallamay deegaanka Aruuris ku yaalla duleedka bari ee deeganka Xananbuure, Galgaduud.

Dagaalkii saakay dhacay ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan la xaqiijiyey tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay intaba.

Saraakiisha ciidankaan hoggaaminaysa ayaa sheegay in waxgaradka Labada dhinac ay gacan ka geysteen joojinta dagaalkan iyo sidoo kale in ciidan la kala dhex-dhigo Labada dhinac.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.