Ciidanka DF iyo kuwa Galmudug oo la wareegay Bacaadweyne

Waa markii labaad oo Ciidanka ay qabsadaan magaaladda mudo bil ka yar, waxaana la ogeyn hadda inay sii haysan doonaan iyo inkale.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DF iyo kuwa Galmudug oo la wareegay Bacaadweyne

GAALKACYO, Soomaaliya - Degaanka Bacaadweyne, ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa la wareegay Maanta Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug kadib markii Kooxda Al-Shabaab ka baxday.

Sarkaal katirsan Ciidanka Galmudug oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in si nabad ah ay kula wareegeen gacanta ku heynta degaanka, islamarkaana hadda ay bacsanayaan xoogagii Al-Shabaab ee baxsadka ah, kuwaasoo u jihaystay Tuulooyin ku dhaw Bacaadweyne.

Waa markii 3aad oo degaanka isku bedelayo gacanta Al-Shabaab iyo dowladda bishan gudaheeda, waxaana markii 2aad maanta qabsaday Ciidanka huwanta ah, oo aan la ogeyn inay sii joogi doonaan iyo inkale.

Bacaadweyne waxay kamid tahay goobaha dagaalka ugu culus uu ka dhacayo gobolka, iyadoo dadkii deganaa intooda badan ay isaga carareen sababo amni, maadaama dushooda lagu hardamayo.

Maalintii shalay, Kooxda Al-Shabaab aya qarax fashilmay ka fulisay meel u dhaw degaanka oo la damacsanayd saldhig halkaas ku leeyihiin Ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaasoo maanta howlgal ay sameeyeen ku guuleystay inay Bacaadweyne ku galaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.