Ciidanka DFS iyo kuwa Kenya oo dagaallamay

Dagaalkan ayaa ahaa mid xoogga, waxaana rasaastu ay socotay ku dhowaad Hal saac.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DFS iyo kuwa Kenya oo dagaallamay

Degmada B/xaawo ee gobolka Gedo waxaa xalay ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday oo ciidanka DFS iyo kuwa Kenya ku dhexmaray duleedka degmadaasi.

Waxaa mar qura laga war helay rasaas aad u xooggan oo ay is weydaarsanayaan Labada dhinac, waxaana jira khasaare soo kala gaaray, wallow aan la ogeyn inta uu khasaarahaasi la egyahay.

Ciidanka DFS ee dagaalka la galay kuwa Kenya ayaa ah ciidamo dhowaan ay dowladda federaalka geysay gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa dhibaato xooggan ku hayey shacabka ku nool Gedo, hase ahaatee wixii ka dambeeyey markii ciidan xoojin ah ay DFS geysay gobolkaasi, waxaa yaraaday dhaq-dhaqaaqyadii ciidanka Kenya.

Guddiga amniga qaranka Kenya ayaa dhowaan sheegay in Soomaaliya ay daan-daansi ka waddo xadka aan rasmiga ahayn ee Labada dal, haddii rasaas dambe ay kusoo dhacdana ay jawaab kulul ka bixin doonaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.