Ciidanka DFS oo Al-shabaab ka qabsaday deegaan ka tirsan Sh/hoose

Howlgalkaan ayaa ahaa mid si kedis ah loogu qaaday deegaankaasi.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DFS oo Al-shabaab ka qabsaday deegaan ka tirsan Sh/hoose

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Gorgor ayaa howlgal ballaaran oo ay sameeyeen waxa ay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanka Gendarshe ee gobolka Shabellah hoose.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidana oo saakay duulan ku qaaday halkaasi aanay wax dagaal ah kala kulmin Al-shabaab, kadib markii xubnihii Al-shabaab ee ku sugnaa halkaasi isaga baxeen.

Jeneraal Maxamed Tahliil Geeddi oo ah taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka ayaa sheegay in ciidanku ay hadda ka wadaan deegaankaasi howlgal ballaaran oo ammaanka lagu sugaayo.

Deegaankaan oo muhiim ah ayaa ku yaalla dhanka xeebta ee wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Marka oo xarun u ah gobolk Shabellaha Hoose.

Ciidanka DFS ayaa marar badan sidan oo kale ula wareegay deegankan, balse markii ay maamlo joogaan waa ay soo faarujinayeen, taasina waxay dhibaato ku tahay dadka deegaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.